Maamulka Gobolka Doollo ee xafiiska Jabhada ONLF oo kormeer kutagay Tuulada Qamuuda ee Dagmada Lehelow ayaa shaqo muhiim ah oo halgan kasoo qabtay halkaas.

Maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo ayaa kulan uqabtay xubnaha Unugta JWXO ee Tuulada Qamuuda, waxayna uga warbixiyeen socdaalkooda iyo marxalada uu halganku galay.

Sidoo kale maamulka Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Doollo ayaa maamul cusub udhisay Unugta Tuulada Qamuuda kahowl gasha, waxayna kubaraarujiyeen in ay siilabanlaabaan howlaha ay shacabka uhayaan.

Xubnaha Unugta JWXO ayaa dhankooda kawarbixiyay xaalada Deegaanka iyo dadka kudhaqan, waxayna Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo kacodsadeen in ay siminaaro siiyaan si ay howlahooda si hufan ugu qabsadaan.

Sidoo kale maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo ayaa dhex maray qaybaha kala duwan ee shacabka Tuulada kudhaqan iyagoo ogaanayay xogta hoose ee dadka shacabka ah.

Maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo ayaa baryihii lasoo dhaafay mashquul ku ahaa, sidii maamulka Jabhada loogaadhsiin lahaa Tuulooyinka iyo Dagmooyinka uu Gobolku kakooban yahay.

Wixii war ah ee kasoo kordha socdaalka Maamulka Xafiiska Jabhada kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay