Dowlada Taliyaaniga ayaa xidhay xaruntii 2aad ee ugu waynayd dalkaasi ee lagu hayey dadka qaxootiga ah kadib markii ay xukuumada cusub ka jartay miisaaniyadii loogu talogalay dadka qaxootiga ah.

Xeradan oo ku taala deegaanka Castelnuovo di Porto ee u dhaw magaalada caasimada ah ee Rome ayey ku jireen boqolaal qaxooti ah oo qaarkood aan heysan degenaansho, kuwaasi oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Qaramada Midoobay (QM) iyo hay’adaha kale ee xaquuqul insaanka ayaa horey uga digay ololaha ay wado dowlada cusub ee Talyaaniga ee lagu faquuqayo dadka qaxootiga kadib markii ansixiyeen sharci cusub oo meesha ka saaraya in badan oo kamid ah xaquuqda horey loo siin jiray Qaxootiga ku sugan gudaha dalkaasi.

Waxaa dhawaan lagu wadaa in dowlada ay sidoo kale xidho xerada ugu weyn ee lagu hayo qaxootiga dalkaasi oo ku taal jasiirada Sicily.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay