Waxaa hada xarunta madaxtooyada ee magaalada Jigjiga kusoo dhamaaday kulan aad muhiim u ah oo dhexmaray madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo madaxda dowlada Deegaanka Soomaalida.

Kulankan oo saxaafadu ay dibad joog ka ahayd ayaa gabagabadii warfidiyeenka loo akhriyay qodobadii kasoo baxay, kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo dan u ah dalka iyo dadka.

Shirkan oo mudo socday ayaa lagaga dooday marxaladaha cusub ee wacanku uu galay iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbadalka siyaasadeed ee guud ahaan wadanka Itoobiya kasoo ifaya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray amaanka wadanka oo halbowle u ah nolasha iyo hormarka shacabka kudhaqan wadanka Ogadenia Somali State.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loodhamaystiri lahaa heshiiskii ay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO lagashay Dowlada Federaalka Itoobiya, kaas oo sababay nabada maanta lagu naaloonayo ee wadanka kajirta.

Madaxda Jabhada ONLF iyo madaxda dowlada Somali State ayaa Isla qaatay in siwada jir ah looga hortago wax kasta oo qalalaase galinaya nabada ay shacabku haystaan taas oo ah shay halgan dheer loosoo galay ilaahayna lagu mahadiyo.

Gabagabadii madaxda labada dhinac ayaa dowlada Dhexe ka codsaday in ay taageerto nabada iyo nolasha Wadanka Ogadenia kajirta iyo sidii loosii hormarin lahaa si wada jir ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay