Waxaa hada xarunta madaxtooyada ee magaalada Jigjiga kasocda kulan balaadhan oo u dhaxeeya madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada ee dowlada Deegaanka Soomaalida.

Kulankan oo madax aad ufarabadan ay kasoo qayb galeen waxaa kasoo qayb galay gudiyo gaar ah oo loo yagleelay dib u habaynta ciidanada iyo doorka ay amaanka kaqaadanayaan ciidamada Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Ugu horaynba waxaa warbixin laga dhagaystay gudiyadii looxil saaray dib u habaynta ciidamada iyo doorka ciidanka qalabka sida ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Warbixinta Gudiga oo aad u mugwaynayd ayaa siwayn loogu soogudbiyay madaxdii kulanka sooxaadirtay, waxayna gudiyadu sheegeen in ay hada soogabagabeeyeen howlihii loo xilsaaray ee kusaabsanayd dhinaca ciidamada iyo habayntooda.

Madaxdii kulanka kasoo qayb gashay ee labada dhinac ayaa ka maqsuuday warbixintii gudiyadii isku dhafka ahaa, waxaana la isku waafaqay in si wada jir ah loosoo dhamaystiro wixii dhiman.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay