Waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee Deegaanka Dhadhaab kaqabsoomay Shirkii caadiga ahaa ee faraca Midnimo oo kamid ah Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Kenya.

Kulankan oo ahaa mid sifiican loosoo qorsheeyay waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha faraca Midnimo iyo qaar kamid ah taageerayaasha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Kulankan oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Faraca Midnimo Mudane Cabdi Maxamed Gaaciye ayaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soojeediyay Hogaanka Arimaha diinta ee faraca Midnimo.

Intaas kadib Gudiga faraca Midnimo ayaa xubnaha usoo bandhigay warbixino dhaadheer oo dhinacyo badan taabanayay, waxayna gudigu si guud usoo dulmareen dhacdooyinkii udambeeyay.

Intaas kadib waxaa si toos ah looguda galay qorshayaashii shirka loogu tala galay, iyadoo qodob qodob loo kor istaagay sifiicana la isula jilciyay.

Dhinaca kale xubnaha faraca Midnimo ayaa fikirkooda saliimka ah usoo bandhigay Gudiga faraca, waxayna gudigu meel kuqorteen afkaartii xubnaha.

Gabagabadii kulankii xubnaha faraca Midnimo ayaa kudhamaaday si nabad galiyo ah, waxaana shirka lagu Soo xidhay duco aad uqiimo badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay