Gudiyada iskudhafka ah ee dib uhabaynta ciidamada Jabhada ONLF iyo kuwa Deegaanka Soomaalida ayaa maanta Shir balaadhan isugu yimid xarunta madaxtooyada ee magaalada Jigjiga.

Gudiga isku dhafka ah ayaa shirkoodii kadib Shir jaraa’id kuqabtay xarunta madaxtooyada waxayna si isku mid ah usheegeen in ay meel fiican marayso isku dhafka ciidamada JWXO iyo kuwa Deegaanka.

Shirka Jaraa’id oo ay siwada jir ah uqabteen madaxda labada dhinac, waxaa dhinaca Jabhada u hadlay Mudane Daahir Tamuuje halka dhinaca Somali State na uu u hadlay Mudane Cabdirisaaq Sayid.

Mabada mas’uul ayaa sheegay in ay meel gabogabo ab marayso howlihii isku dhafka ciidanku, waxayna sheegeen in lasoo dhameeyay labo waji halka wajigii sadexaadna uu bilowday, isla markaana uu meel fiican marayo.

Gabagabadii labada mas’uul ayaa saxaafada usheegay in siwada jir ah ay udhamays tiri doonaan inta dhiman, iyagoo sheegay in ay heer gabogabo ah taagan yihiin.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay