Tirada dhimashada dadka ku dhintay dibadbaxyada Suudaan ayaa sare u kacday xilli magaalooyin hor leh ay kusii fidayaan dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Suudaan. Ururka shaqaalaha Suudaan ayaa ku dhawaaqay in shalay ay dhigayaan bannaanbaxyo salaadda Jimcaha kaddib.

Guddiga dhakhaatiirta caafimaadka ee Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in saddex qof ay ku dhimatay rasaasta ay ridayeen laamaha ammaanka, labo kamid waa ardey jaamacadeed. Shalay kumannaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka magaalooyin ka tirsan dalkaasi, waxaana lagu tilmaamay dibadbaxyada ka socda kuwii ugu ballaadhnaa ee dalkaasi ka dhaca.

Dibadbaxyadan ayaa ka bilaawday markii qiimaha cuntada ay sare u kacday balse kuwii ugu dambeeyay waxaa looga codsanayay madaxweyne Al Bashiir inuu xilka iska casilo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay