Waxaa Dagmada Lehelow ee Gobolka Doollo lagusoo dhaweeyay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, kuwaas oo indhawaalaba kusugnaa Gobolka Doollo.

Xubnaha gaadhay Dagmada Lehelow oo isugu jiray Golaha Dhexe ee JWXO iyo maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo, ayaa siwayn loogu soodhaweeyay Dagmada Lehelow ee Gobolka Doollo.

Waftiga JWXO ayaa Shacabka Dagmada Lehelow kula hadlay meel fagaare ah, waxayna waftigu shacabka ugudbiyeen fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal.

Sidoo kale waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Lehelow kula dardaarmay in sare uqaadaan garab istaaga ay garab taaganyihiin halganka xaqa ah ee JWXO ay hormuudka utahay.

Shacabka kudhaqan Dagmada Lehelow ayaa dhankooda sheegay in ay waligoodba sugayeen madaxda JWXO iyo hormarinta halgankoodii loo dhibaateeyay.

Shirkan oo mudo dheer socday ayaa kusoo dhamaaday si nabad galiyo ah, waxaana la isku afgartay sidii garbaha la isu qabsan lahaa si shacabka Soomaalida Ogadenia loo gaadhsiiyo hormar iyo nabad waarta.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay