Waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan Soo gaadhay wafti balaadhan oo kakooban Oday dhaqameedka beesha Soomaaliyeed ee Garxajis.

Oday Dhaqameedka Beesha Garxajis ayaa Marti qaad rasmi ah kahelay madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, kadib markay madaxda JWXO ka codsadeen in ay lakulmaan.

Waftiga Madax Dhaqameedka waxaa magaalo xuduudeeda Wajaale kaga hortagay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo ay horkacayeen Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Maxamed Ibraahim iyo Hogaan kuxigeenka Maamulka JWXO ahna xidhiidhiyaha Xafiiska Madaxtooyada iyo JWXO mudane Daahir Tamuuje.

Waftiga Odayaasha ayaa ladajiyay Hotel Istanbul oo kamid ah goobaha ugu caansan magaalada Jigjiga, halkaas oo odayaashu ay saxaafada JWXO kula hadleen.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo Oday Dhaqameedka ayaa baryahan soosocda kawada hadli doona arimo aad ubadan oo dan u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee daga bariga Africa, gaar ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia.

Warbaahinta Jabhada sida ONA iyo Ilays TV ayaa waftiga JWXO usii raacday ilaa wajaale, waxaadna muuqaalada kadaawan doontaan Ilays TV hadii Alle Idmo.

Filo mardhaw odayaasha beesha Garxajis iyo madaxda Jabhada oo siwada jir ah uhadlaya.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay