Waxaa hada magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan kusoo gabagaboobay Shir balaadhan oo ay yeesheen Ururka Ardayda iyo Dhalinta Soomaalida Ogadenia OYSU.

Kulankan oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU ee Ogadenia mudane Cumar Sooya, waxaa kasoo qayb galay Unugta OYSU ee Gobolka Faafan iyo maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Faafan.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd yagleelida Gudiga faraca OYSU ee Jigjiga ayaa lagu dhisay gudi dhamaystiran oo ay yeelandoonto Unugta OYSU ee magaalada Jigjiga.

Sidoo kale Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia Cumar Sooya ayaa dhalinta cusub ladoortay u akhriyay xeerka iyo nidaabka Ururka iyo waliba qaab shaqeedka Ururka.

Sidoo kale Gudiga Xafiiska Jabhada ee Gobolka Faafan oo kulanka qayb ka ahaa ayaa maamulka cusub ubalan qaaday in ay sifiican ula shaqayn doonaan, waxayna kubooriyeen in ay howlaha Ururka sare uqaadaan.

Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia mudane Cumar ayaa baryahan dagmooyinka iyo Gobolada Ogadenia kawaday dhismaha maamul kashaqayn doona deegaanada kala duwan ee ururka OYSU uu kadhisan yahay.

Gabagabadii madaxdii kulanka kasoo qayb gashay ayaa goobta kajeediyay khudbado dhaadheer oo dardaaran ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay