Waxaa hada magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan Kasocda kulan balaadhan oo ay wada yeesheen Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo odayaal Dhaqameedka Beesha Soomaaliyeed ee Garxajis.

Kulankan oo aad muhiim u ah waxaa dhinaca JWXO hogaaminaya Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Adm: Maxamed Cumar Cismaan, waxaana Gudoomiyaha kulanka kuweheliya madax sar sare oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Dhinaca kale waxaa kulanka sooxaadiray Odayaal dhaqameed aad ubadan oo kasoo jeeda beesha Soomaaliyeed ee Garxajis, kuwaas oo dhawaan codsaday in ay lakulmaan madaxda Jabhada ONLF.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii loomidayn lahaa dhamaan dadka shacabka ah ee kudhaqan gayiga Ogadenia iyo guud ahaan geeska Africa, kuwaas oo ah dad walaalo ah oo aan kala maarmin.

Sidoo kale Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Iyo Odayaal dhaqameedka ayaa kawada hadlaya sidii gayiga looga abuuri lahaa jawi dagan oo dadka shacabka ah ee mudada dheer dhibaataysnaa ay kunastaan. Isla markaana ay walaalnimadu u qaan gaadhi lahayd.

Odayaasha Beesha Garxajis ayaa sheegay in ay dhankooda aad usoo dhawaynayaan kulanka ay laqaateen madaxda JWXO, iyo sidii guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia kudhaqan loomidayn lahaa Isla markaana hal dhan loogu wada jeedsan lahaa.

Sidoo kale madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa siwayn usoo dhawaysay Odayaal dhaqameedka codsaday lakulanka JWXO, waxayna madaxda JWXO sheegeen in loobaahan yahay tirtirida taariikhdii madoobayd ee dadka Soomaaliyeed soomartay.

Shirka Madaxda JWXO iyo Madax Dhaqameedka Beesha Garxajis oo baryahan siisocon doona wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay