Gumeysiga Itoobiya waxay mudo dheer ku soo caana maashay taageerada & Deeqda wadamada reer Galbeedka ay ka hesho kuwaas oo aaminay waxay sheegan jirtay ee ahaa in ay tahay Jasiirad masiixi ah oo ku dhextaal badweyn Islam ah. Dacaayadaa aay faafsatay boqortooyadii Abyssinia waxay soo caan baxday waayadii ay quwadda reer Yurub soo baxday oo xukuumadaha ka talin jireyna ay ahaayeen Boqortooyado ku duula Masiixi-nimo, sida tii Boqortooyadii Portugal iyo midi Spain. Geeska Afrika waxaa wakhtigas awood wayn ku lahayd imaarada Islaam ah, dadkuna waxay musliimin bay ahayeen waxayan xidhiidh ganacasi la lahayeen Jasiirada Carabta halkaas oo ahayd saldhiga Diinta Islaamka.

Gumeystayassha reer Yurub markay ku qaybsanayeen Afirika shirkii Barlin 1884kii Boqortooyadii Abyssinia (ee markii dambe la baxday Itobiya) goob joogbay ka ahayd.
Gumeystayaashii reer Yurub markay qaybsashada Afrika ku soo duuleen waxaa laftigooda dhaxmaray hardan iyo dagaalo culus oo midba midka kale uu doonayay inuu kaga sadbursado. Shucuubtii ay ku soo duuleena cadaadis, cabudhin, dil, boob iyo dhaqan xumo badan ayey kala kulmeen.

Halgan iyo iska cabin adag ka dib oo socday muddo ka badan 200ba oo sano ah, wadama badan oo Afirka ah ayaa xoriyadoodii waxay soo ceshadeen sanadkii loo xixiyay sanadkii Afrika ee 1960dii.

Hadaan dib ugu soo noqono mawduuceena maanta, Itoobiya oo aad u taqaana dhaqanka dawarsiga & hoos orodka Reer Galbeeka waxaad mooda in uu isa soo xidhay soona Gabagaboobay deeqihii xisaab la’aanta loo siin jiray Itobiya. Asbaabab badan ayaan arintaa ka dambeeya oo aanan qoraalkan kaga bogan karin. Astaamaha lagu yaqaano qofka dawirsiga ku xeel dheer waxaa ka mid ah inuu kolba badalo xeeladihiisa oo kolba xubin ka mid ah jidhkiisa ka takhaluso.

Waxaase baryahan soo baxay mooda cusub oo Itobiya ay lacag ku urursato oy ka mid tahay; baada laga qaado maamulada Soomaalida, waxaa kaloo ka mid ah Somali inta la soo shiriyo la yidhaahdo biya-xidheen aanay aqoonin meesha laga dhisayo iyo sababta loo dhisayo toona lacag ku darsada iyo siyaabo kaoo badan oo aan la ogayn hadda.

Su’aal muhiim ah in la fahmo; Biya-xidheenka lagu dawarsanayo waa Kee? Xaguu ku yaala? Faa’idada ugu jirta Soomaalida maxay tahay? Shacabka soomaaliyeed ma ka go’adaa dhaqaale lagu dhiso Biya-xidheen ku yaala Binshangul oo dhacda Xuduuda u dhexeysa Iyobiya iyo Sudan?

Sanadkan 2012 ka Bilowgiisii waxaa Magaalada London soo gaadhay Adeegayaasha Gumeysiga ee magaca Soomaalida wata, waxaana loo soo diray in ay Lacag ka soo Ururiyaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkoodii burburay iyo kuwa uu gumeysigu ka soo eryaday dhulkooda. Waxay xooga sareern Xawaaladaha iyo shirkadaha gacanacsiga iyogoo cagajuglayn iyo hanjabaad wax kaga qadanaya.

Haddaba Xagee wax loo wada? Mashruuca ama barnaamijka shacabka Soomaaliyeed lagu boobayo waa mashruuca la macagbaxay -The Grand Ethiopian Renaissance Dam ( Amharic Hidāse Gēdīb), horeyna loogu yeedhay Millennium Dam mararka qaarkoodna la yidhaahdo Hidase Dam.

Meeshuu ku yaalaa Biya-xidheenkan

Biya-xidheenkan waxaa laga dhisayaa Wabiga Nile-ka laagtiisa loo yaqaano (Blue Nile) ah ee Galbeedka Itoobiya Gobalka Benishangul.Wuxuu 40KM. u jiraa xuduuda wadanka Suudan. Dhulkaas waxaa daggan dad beeraleey ah oo ku nool wax ay dhulka kala soo baxaan. Waxaa lagu bara kiciyey mashruucan 12 kun oo qoys oo ku noola nawaaxiga laga hirgalinayo damka.

Damka waxaa qandraas ku qaatay shirkad Talyaani ah oo la yidhaahdo Salini Costruttori . Shirkadani mashaariic hore oo biya-xidheeno ah ayay ka waday Itoobiya oo ay ka midyihiin Gilgel Gibe II, Gilgel Gibe II, iyo Tana Beles dams. Mid midha dhalayna kuma jiro. Waa Faanoole fari kama qodna oo kale.

Dhaqaalaha ku baxaya waxaa lagu qiyaasay $4.8 Billion, Xoolahaas Aduunka waa laga waayey cid maalgalisa marka laga reebo Shiinaha oo yidhi waxaan bixinayaa qalab dhan $1.3 billion. Dunida inteeda kale gacmaha iyo indhaha ayaa laga laabtay loomana hayo niyad maalgalin sababtoo ah Itoobiya Hanti badan oo Bank Aduunka iyo haya’adda Lacagaha Aduunka IMF leedahay ayaa ku maqan.12 Dam ayaa la isku dayey 15kii sano ee la soo dhaafay waxbana kama hirgalin kana waa ku kale.

Xukuumada Meles Zinawi waxaa ku dhacay argagax iyo kal carar iyo af-kalaqaad, markii aduunka uu yidhi waa kugu kali. Biya-xidheenkan waxaa iska leh sida ay sheegtay Itobiya Wakaalada Xooga Korantada ee Itoobiya. Waxaa qandaraaskii la bixiyey 31kii Maarso 2011, walina xoolihii lagu dhisi lahaa lama hayo in uu noqdo sidii kuwii ka horeeyey ayayna u badanyahay.

Wadamada Dariska ah ay quseyso arinta Biya-xidheenka:-

1.Sudan.
Sudaan oo ah wadanka ugu dhaw marna kam raali noqon doonto dhisida Damkas waxyn isku dayi si alla sidii ay u fashilin lahayd toos iyo si dadbanba, maxaayeelay Biyahan la xidhayo wuxuu hoos u dhac u keeyana biyaha wabiga Nile ee ay noolasha reer dad iyo dawlada Sudan ku xidhantaya markii nolashaada la isgu yimaadan waxba reeban maysid.

2.Masar.
Dawlada Masar sanadihii la soo dhaafay si xoog leh ayey Itoobiya isugu dhaceen Biyaha Nile awgood, Itoobiya waxay soo jeedisay in dib loo fiiriya sharciga isticmaalka Biya Nile oo uu Gumeystii Ingriisku Masar u siiyey Awooda VITO, Itoobiya oo taas in ay ka takhlusto doonaysa waxay shirisay wadamada uu maro biyaha Nileku waxyna ka dhaadhicisan in Xeerkaas wax laga badalo, Masar iyo Sudan way diiday arrinkaas walina laguma heshiin.Dhisida Damkan aad bay uga soo hor jeeda Masar mana Ogolaan doonto waxayn ku dadaali sidii ay u hor istaagilahayd.
Sababaha uu Adunku uga istagay Damkan.

Xaaladda Itobiya

Itoobiya Dayn & Deeq aad u badan ayuu Aduunku ku leeyahay baryahan dambana dhaqano aad u fool xun bay kula kacday Shucuubta ay gumeysato, shacabka Itobiya, shucuubta dariska la’ah sida Somalida iyo Eretreeyaanka. Waxay kaloo dhibaateysay muwaadiniin kale oo aduunka ka imanaysay. Waxaa Itoobiya ku xidhan wariyaal u dhashay Sweden iyo Wadama kaleba. Waxay xasuuq joogta ah ku haysa shacabka Soomaalida Ogaadeeniya waxay faragalin iyo qas ka wada Jamuuriyada Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer waxaa la arkaa in ay jabisay Xeerkii u yaalay isticmaalka biyaha Nile kaas oo keeni kara Dagaal ka aloosma Itoobiya iyo Sudan+Masar. Adunku ma rabo meel mugdi iyo tuhu ku jiro in ay lacag gasgadaan.

Gabagabo.

Mar haddii Aduun weynihii Itoobiya intaas soo waday gacmaha ka laabteen mashruucana ay u arkeen mid dhib iyo jahawareer u keeni doon Itoobiya , waxaan dadka Soomaaliyeed la socdsiinayaa Cabsida aad ka cabsanyasaan Adeegayaasha Gumeysigu idinku soo diray yeyna idin caydhaynin.
Waxaad arkaysaan in u mashruucani faa’ido u lahayn dadkii deegaankaas degana, in usan faa’ido u lahayn Wdamadii dariska ahaa, in usan Aduun weynihii raali ka ahayn marka maxaa idigu ku galiyey meel lagu kala guuray.

Mase is weydiisay Itoobiya 12 Dam oo hore ayaa la isku dayey in laga dhiso waligaa soomaali laguma war galin maxaa manta keenay in Soomaali lagula soo hoos ordo oo lacag keena layidhaahdo?

Hakan ka akhri aragtida caalamka ka qabo biya-xidheenkaa ..

http://www.greenprophet.com/2011/04/ethiopia-cant-afford-the-new-nile-dam/

Xaaji Maxamed
London, UK

 
 

1 Comment

  1. Shariif Cali says:

    Barakallahu Illahay qalbiga ha ku furo si fiican baad noogu iftiimisay Tuugadan shilimadii aan haysanay u soo dhigtay. Qof walba wuxuu ka cabsanayaa in la yidhaahdo shirkii madan joogin oo wadankii markuu walidkii booqdo laqabsado.

    Mahadsanid

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay