Waxaa galabta Shir jaraa’id magaalada Jigjiga kuwada qabtay madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Iyo Odayaasha & Siyaasiyiinta Beesha Garxajis.

Dhinaca Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO waxaa Shir saxaafadeefkan uga qayb galay Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Maxamed Ibraahim, halka Odayaasha Beesha Garxajis na uu u hadlay Oday Ibraahim Raage.

Hogaanka Warfaafinta JWXO oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay in kulankii taariikhiga ahaa ee dhex maray JWXO iyo Odayaasha & Siyaasiyiinta Beesha Soomaaliyeed ee Garxajis.

Sidoo kale Hogaanka Warfaafinta JWXO mudane Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in ay odayaasha kawada hadleen arimo masiiri ah oo dan u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee daga Geeska Africa gaar ahaan kuwa kudhaqan gayiga Ogadenia.

Sidoo kale waxaa hadalka qabsaday Oday Ibraahim Raage oo kamid ahaa wufuudii cuslayd ee Beesha Garxajis, wuxuuna mudane Ibraahim sheegay in uu Jabhada ONLF uga mahadcelinayo aqbalaadii ay aqbaleen Codsigii Odayaasha ee ahaa in ay lakulmaan madaxda JWXO.

Oday Ibraahim Raage ayaa sheegay in Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ay yihiin dowlad dhisan oo diyaarsan Isla markaana ay kamaqsuudeen sida wanaagsan ee loosoo dhaweeyay.

Oday Ibraahim Raage ayaa sheegay in ay kabeel ahaan taageerayaan Jabhada ONLF oo mudo dheer soodadaashay imtixaankii badnaa ee lamariyayna kusoo baastay.

Oday Ibraahim Raage ayaa sheegay in dadaalka JWXO uu taageero mudanyahay Isla markaana ladoonayo in lamideeyo bulshada Soomaaliyeed ee Ogadenia iyo geeska Africa ba dagta.

Hogaanka Warfaafinta JWXO iyo Oday Ibraahim Raage ayaa siwada jir ah usheegay in ay Midnimada kawada shaqayn doonaan si shacabka loogaadhsiiyo rabitaankooda aayo katashi iyo hogsigooda wanaagsan.

Gabagabadii Shirkii Jaraa’id ee ay wada qabteen Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Iyo Odayaasha Beesha Garxajis ayaa kusoo dhamaaday si wanaagsan muuqaal oo buuxana kadaawo Ilays TV.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay