Warsaxaafaded ay soo wada saareen Jabahdda ONLF & Guddiga Siyaasada & waxgaradka Beesha Garxajis.

Jan 27, 2019

Waxaa labadii maalmood ee ugu dambaysay ku sugna magaalad Jigjiga wafdi matalaya guddiga siyaasada ee beesha Garxajis.

Tan iyo intii uu Ururka ONLF heshiiska kala sexiixdeen dowlada federalka ee Itoobiya, waxaa soo booqday dad kale duwan oo ka soo kale jeeda bulshada qaybaheeda kala duwan & waxgarad ka soo jeeda dhulka Ogaadeenya oo ay ka mid ahaayeen Cuqaasha beesha Garxajis.

Saaka ayay si rasmi ah labada dhinac ugu kulmeel Hotelka Istanbul Plaza ee magaaladda Jigjiga falanqayn & dood dheer oo ay kaga arinsanayeen danahooda kadib waxay labadan dhinacba isla garteen oo ay isku waafaqeen qodobadan.

1. Xoojinta Midnimada umadda Soomaaliyeed.

2. Mustaqabalka Shacabka Somaliyeed ee wada dagan dalka.

3. Xoojinta Xidhiidhka iyo Wax wadaqabsiga.

4. In la iscafiyo lana xoojiyo walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee dagan Ogadenia.

5. Xoojinta nabadgaliyadda & Aragti midaysan ee mustqabalka umadda.

6. In Soomaalinimadu tahay shayga kaliya ee ay Soomaalidu wadaagi karto, mudana in lawada dhawro.

Qodobadaas kadib waxay labada dhinacba la hadleen Saxaafadda iyaga oo hadal midaysan siiyay warbaahinta.

Waxaana warbaahinta la hadlay
Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Mohamed Ibrahim oo u hadlay ONLF.

Mudane Ibrahim Raage oo uhadlaya Beesha Garxajis.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay