Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso waxay sheegayaan in dabley hubeysan ay waqooyiga dalkaasi ku dileen ugu yaraan 10 qof tuulo ku taalla xadka Burkina Faso uu la wadaago waddanka Mali.

Waxaa dhac loo gaystay xarumo ganacsi halka qaarkoodna dab la qabadsiiyay, kooxaha Jihaad doonka ah ayaa sannadihii ugu dambeeyay dalkaasi ka geystay weeraro dhimasho badan dhaliyay.

Dowladda Burkina Faso ayaa shaqada ka caydhisay wasiiradii gaashaandhigga iyo amniga gudaha kaddib markii bilooyinkii lasoo dhaafay ay sare u kaceen weerarada ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay