Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax gaari uu goordhawayd ka dhacay agagaarka Daljirka Daahsoon.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramaya in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay kaalin lagu iibiyo shidaalka isla markaana u dhow goob baakin ah (Baabuurta la dhigto) oo laga cunteeyo kuna taala agagaarka Taalada Dajirka Daahsoon ee badhtamada magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan gaadhiga loo adeegsaday hase yeeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare nafeed uu soo gaadhay dad shacab ah oo goobta qaraxu ka dhacay ku sugnaa.

Dhinaca kalena lama oga bartilmaameedka qaraxan iyo cida lala damacsanaa walow goobta la qarxiyay ay ku taalo meel istaariiji ah oo ay ku badan yihiin dadka shacabka ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay