Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni ayaa khudbad uu shalay Isniintii ka jeediyey shir ka dhacay Kampala kusoo qaatay hadalo lagu liidayo Dowlada Soomaaliya.

Museveni ayaa khudbadiisa ku sheegay in Qaranimada ama Dowladnimada ay tahay mid ka duwan Dalka iyo Dadka, isagoo sheegay in Soomaaliya u tusaale ahaan usoo qaadanayo Dad iyo Dal aan lahayn Dowladnimo ama Qaranimo Shaqeenaysa, isagoo hadalkiisa sii raaciyey inay jiraan wadamo kale oo noocaas ah balse uu ka gaabsanayo inuu sheego dalalkaasi kale arrimo diblumaasayideed darteed.

Hadalkan ayey si weyn uga fal celiyeen Soomaalida wax ku qorta internetka (Baraha Buldhadu ay ku kulanto) iyagoo ku tilaamay hadalka Madaxweynaha Ugandha oo ciidamadiisa joogaan dalka Soomaaliya mid gef ku ah ummada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Soomaalida ka jawaabay hadalka Museveni ayaa sheegay in dalka Soomaaliya marar badan wax u qabtay iyagoo qaarkood xasuusiyey Museveni in Dowlada Soomaaliya ahayd tii xabad joojinta dhex dhigtay Ugandha iyo Tanzania sanadkii 1972.

In badan oo kamid ah Soomaalida u jawaabtay Museveni ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto dowlad si dimuquraadi ah ku timid balse isagu uu yahay Kali-Taliye dalkaasi kasoo talinayey muddo ka badan 32 sano.

Dhinaca kale dowlada Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah jawaab uga bixin hadalka ka yimid Kambala.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay