Waxaa saaka Dagan magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan oo maalintii shalay ahayd uu kadhacay qalalaase aad uxoogbadan.

Waxaa lafuray goobihii ganacsiga iyo guud ahaan wadooyinkii xidhnaa, kuwaas oo laxidhay galinkii dambe ee shalay oo Talaado ahayd.

Dhinaca kale waxaa wali siimuuqda raadkii qalalaasaha waxayna indhahaagu qabanayaan ciidamo badan oo isgoosyada iyo darbi kasta taagan iyo waliba burburkii wadooyinka ee shalay.

Sidoo kale waxay indhahaagu qabanayaan dadka oo koox koox usocda si ay isu difaacaan hadiiba ay lakulmaan wax dhibaato ah.

Iskusoo wada duub oo waxaa magaalada hada laga dareemayaa jawi dagan, in kasta oo maamulka Deegaanku ay soorogeen bandaw xiliga Habeenkii ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay