Dowlada Holland ayaa sheegtay inaysan qaabili doonin 47 Tahriibayaal ah oo todobaadkii hore laga soo badbaadiyey bada dalka Liibiya, kuwaasi oo loo diiday inay kusoo degaan dalka Talyaaniga.

Xukuumada Xagjirka ah ee Talyaaniga ayaa sheegtay inaysan qaabili doonin tahriibayaasha, arrintaasi oo ku khasabtay in dadkan magangelyo doonka ah ay dul saarnaadaan Markabka soo badbaadshay oo lagu magacaabo Sea-Watch 3.

Markabka Sea-Watch 3 ayaa waxa leh Hay’ada caawisa dadka tahriibayaasha ah oo fadhigeedu yahay dalka Germany, balse Markabka ayaa ka diiwaangashan oo sidata calanka dalka Holland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga  Matteo Salvini ayaa sheegay inay ogolaan doonaan dadkan lagu soo dejiyo dhulkooda hadii isla markiiba loo sii gudbin doono Holland, halka dowlada Holland ay sheegtay in dadkan xuquuq ku leeyihiin wadanka 1aad ee lagu soo dajiyo.

Raysalwasaaraha Italy Luigi Di Maio ayaa ku dooday in Holland ay mas’uul ka tahay Markabka sida Qaxootigan isla markaana dalkaasi laga rabo inuu qaato mas’uuliyadiisa, arrintaasi oo keeni karta xiisad diblumaasiyadeed, xukuumada Talyaaniga ayaa horey murran noocaan ah uga dhaxeeyey dowlada Faransiiska.

Dalalka Yurub gaar ahaan Talyaaniga ayaa bilihii lasoo dhaafay bilaabay inay cadaadis saaraan hay’adaha kala duwan ee u gargaara dadka Tahriibayaasha ah iyagoo doonyaha iyo maraakiibta hay’adahaasi ee badda kasoo qaada dadka ay doonyaha la degaan loo diido inay kusoo xirtaan dekadahooda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay