Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay 2 doonyood oo shalay ku degay xeebaha dalka Jabuuti, kuwaasi oo siday Tahriibayaal ka badan 100 qof.

Ciidamada xeebaha Jabuuti ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 1 qof oo nool, halka ay heleen meydad gaaraya 28 qof, waxaase weli la baadi goobayaa 130 qof oo la la’a yahay. Sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’ada IOM, doonyahan ayaa degay kadib markii ay ku dhufteen hirar waaweyn.

Doonyahan siday Tahriibayaasha ayaan lagaranaynin meesha ay kasoo kicitimeen iyo meesha ay ku socdeen, waxaana la sheegay in weli uu socdo hawlgalka iyo baadhitaanka lagu hayo goobta la sheegay inay doonyahan ku degeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay