Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Doollo oo indhawaalaba waday socdaalo Abaabul iyo maamul dhisid ah ayaa qabtay howlo muhiim ah.

Waftiga JWXO oo isugu jiray maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo iyo xubno Gole Dhexe ah ayaa socdaalo dhaadheer kumaray inta badan qaybaha kala duwan ee Gobolka, waxayna waftigu socdaalkooda diirada kusaareen abaabulka bulshada iyo furida xafiisyada Jabhada.

Waftiga ayaa socdaal kooda kubilaabay dhinaca Koonfureed ee Gobolka, gaar ahaan Dagmada Lehelow iyo Tuulooyinka hoos yimaada, waxayna waftigu sifiican ula hadleen dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Lehelow iyo nawaaxigeeda, sidoo kale waftiga ayaa furayay xafiisyo ay Jabhadu kuyeelan doonto dhulkaas.

Waftiga JWXO ee Gobolka Doollo ayaa socdaalkoodii kusoo simay dhinaca woqooyi ee Gobolka, waxayna hada kusugan yihiin Tuulada Araweelo oo Dagmada Danood katirsan. Halkaas oo ay kawadaan howlo abaabul iyo maamul samayn ah.

Waftiga ayaa gaadhi doona qaybaha kale ee Gobolka hadii Alle Idmo, waxayna siwayn u saldhigi doonaan howlaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolkaas.

Wixii war ah ee kasoo kordha waftiga JWXO ee Gobolka Doollo kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay