Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Jarar ayaa maanta gaadhay Dagmada Dig ee Gobolka Jarar.

Waftigan oo uu horkacayay Halgame Sheekh Cabdulaahi Ciraaqi oo kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO ayaa siwayn loogu soodhaweeyay Dagmada Dig.

Dad shacab ah oo aad utiro badan ayaa isugu soobaxay goobtii lagusoo dhawaynayay waftiga JWXO, waxayna waftigu si wayn ula hadleen dadkii shacabka ahaa ee isusoobaxay.

Halgame Cabdulaahi Ciraaqi iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa shacabka kudhaqan Dagmada Dig ugudbiyay fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal taas oo ah waxa kaliya ee hormar lagu gaadhi karo.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dig ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka madaxda JWXO Iyo waliba qorshahooda wanaagsan.

Gabagabadii kulankii waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Iyo shacabka magaalada Dig ayaa kusoo dhamaaday si nabad galiyo ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay