Golaha Midowga Yurub (EU) ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn in wadahadal cusub ay la galaan dalka UK, kadib markii Baarlamaanka UK codsaday in wax laga bedalo heshiiskii ay horey u wadagaareen EU-da iyo Raysalwasaaraha UK Theresa May.

EU ayaa sheegay inaysan waxna ka bedali doonin qodobka xasaasiga ah ee la isku heysto kaasi oo la xariira qaabka loo maamuli doono xaduuda u dhaxeysa dalka Ireland iyo Waqooyiga Ireland oo kamid ah UK.

Guddoomiyaha Golaha EU-da Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in aysan dib u furi doonin gorgortanka isagoo sheegay in Midowga Yurub aysan ogeyn waxa ay doonayaan siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada UK.

Wuxuu Guddoomiyaha EU-da sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dalka UK uu bixiyo lacag ka badan $40 bilyan oo uu Midowga Yurub ku leeyahay wadanka UK xataa hadii aan lagu heshiin wadahadalka hada socda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay