Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalida ku leeday dalkaasi la boobay.

Cabdi Mahad Bilow Kunow oo kamid ganacsatada boobka loo geystay ayaa saxaafada u sheegay in ilaa toddobo dukaan la boobay isla markaasna ay ka carareen kooxda weerarka kusoo qaaday. Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaallern deegaan ka tirsan gobolka Limpopo Limpopo ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska usoo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo. Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la’aan ka jirto deegaanka. Cabdi Mahad ayaa sidoo kale sheegay in weerarka lagu soo qaaday Soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay