Waxaa hada Dagmada Dig ee Gobolka Jarar kasocda Shir balaadhan oo ay dadka shacabka ah uqabteen madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia oo uu hogaaminayo Mudane Sh Cabdulaahi Ciraaqi ayaa maanta Shir balaadhan uqabtay dadka shacabka ah ee kudhaqan xaafada Barakacayaasha ee magaalada Dig, halkaas oo dad aad ubadan ay kusugan yihiin.

Waftiga JWXO ayaa dadka shacabka ah ee Barakacayaasha ah kula dardaarmay midnimo iyo Ismaqal si looga baxo dhibaatada iyo barakaca oo kayimid halaagii lasoo maray.

Waftiga JWXO ee Gobolka Jarar ayaa baryahan kusugnaa Dagmada Dig iyo deegaanada kuxeeran halkaas oo abaabul aad ubadan ay kawadeen, kulana kulmeen dadwayne aad utiro badan.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dig iyo nawaaxigeeda ayaa waftiga JWXO aad usoo dhaweeyay waxayna sheegeen in ay kufaraxsan yihiin imaatinka madaxda JWXO.

Wixii kasoo kordha socdaalka waftiga JWXO ee Gobolka Jarar kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay