Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa si dagan uga jawaabtay warbixin warbaahinta SRTV ee Afka Dowlada Somali State kuhadasha lagu baahiyay.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa cadaysay in ONLF iyo Dowlada Itoobiya ay galeen heshiis kaas oo aysan kujirin wax hubkadhigis ah, Isla markaana lagu heshiiyay in ciidanka JWXO iyo Ciidanka Amaanka ee Dowlada Somali State la midooyo.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegay in ay haboontahay in la ilaaliyo heshiisyada lagalay iyo qaabka ay udhigan yihiin, waxayna JWXO cadaysay in ay hormuud uyihiin hirgalinta heshiiska iyo raadinta nabad waarta oo wadanka ka hanaqaada.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa shacabka xaqlayaasha ah ee Soomaalida Ogadenia kacodsaday in ay isdajiyaan Isla markaana ay hormuud unoqdaan hormarka iyo amaanka lahigsanayo, si loogaadho ujeedada mudada dheer lagu taamayay.

JWXO ayaa dhinacyada uu heshiiskii Casmara khuseeyay kula talisay in ay ilaaliyaan waxkasta oo heshiiskaas dhib ukeeni Kara ama caqabad kunoqon kara.

Madaxda JWXO oo Shir Jaraa’id galabta qabatay kala soco muuqaalka TV-ga Qaranka Ogadenia Ilays TV.

 

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay