Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kusugan magaalada Jigjiga ayaa subaxnimadii saaka oo Jumce ahayd Akhriyay qur’aanka munazalka ah.

Madaxda JWXO oo ah dad aaminsan qur’aanka kariimka ah iyo qiimaha uu kufadhiyo ayaa saaka qaybsaday guud ahaan 30ka jus ee uu kakooban yahay quraanku, iyagoo Isla saakana dhameeyay.

Madaxda Jabhada ayaa qaatay talooyin uga yimid dhinaca culimada oo ahaa in qur’aanka si joogta ah loo akhriyo, waxaana madaxda JWXO Iyo guud ahaan halgamayaasha JWXO dhaqan u ahaa akhrinta qur’aanka kariimka ah.

Sidoo kale Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia UCSO ayaa si joogta ah u akhriya qur’aanka kariimka, wuxuuna quraanku noqday mid siwayn loogu liibaanay looguna badhaadhay.

Mudadii dheerayd ee halganka JWXO uu socday waxaa caado u ahaa walina u ah akhrinta iyo khatimida qur’aanka kariimka ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay