Laba doonyood oo ay saarnaayeen tahriibayaal oo ka shiraacday deegaanka Godoria ee waqooyiga Bari dalka Djibouti talaadadii ayaa degay 30 daqiiqo un markii ay badda ku jireen.

Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 53 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay.

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta IOM ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof oo kamid ahaa dadkii doonyaha qariqmay saaraa. Wali waxaa socda gurmadka lagu samata bixinayo masiibada ka dhalatay doonyahan dadka tahriibka ah siday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay