Waxaa Tuulada Babaase oo katirsan Dagmada Danood ee Gobolka Doollo gaadhay wafti balaadhan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee gaadhay Tuulada Babaase ayaa isugu jiray xubno katirsan Golaha Dhexe ee JWXO iyo maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo.

Madaxda Jabhada ayaa sidiiran loogu soodhaweeyay Tuulada Babaase, waxaana soodhawayntoodii isugu soobaxay dadwayne aad utiro badan oo isugu jiray dadkii Tuulada iyo waliba dhulka miyiga ah ee kuhareeraysan.

Madaxda JWXO ayaa dadka shacabka ah ee Tuulada Babaase kudhaqan usheegay in ay nabada iyo Midnimada kashaqeeyaan, Isla markaana taageeraan halgankooda
Odayaasha Tuulada Babaase ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin halganka xaqa ah ee JWXO ay hormuudka u tahay oo mudo dheer shacabka loosoo baabi’iyay.

Gabagabadii madaxdii JWXO ee Tuulada Babaase gaadhay ayaa siiwadi doona socdaalkooda ay kuwadaan deegaanada uu Gobolku kakaaban yahay.

ONA/Babaase.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay