Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir muhiim ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo uu kasoo qayb galay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa si rasmi ah loogu Marti qaaday Madaxda JWXO iyo waliba ururada mucaaradka ah ee kadiiwaan gashan wadanka Itoobiya.

Shirka ayay ujeedadiiisu ahayd sidii looga qayb qaadan lahaa isbadalka kuyimid siyaasadii Itoobiya ee mudada dheer xidh xidhnayd ayaa siwayn laysugu afgartay in deegaan kasta iyo urur kasta uu danihiisa hor marineed maamusho.

Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi ayaa khudbad mug iyo miisaan leh ka jeediyay madashii uu shirku kasocday, taas oo Raysal-wasaaraha iyo madaxdii Ururada mucaaradka ahba ay aad uga maqsuudeen.

Mudane Maaday iyo Waftigii uu hogaaminayay oo ay kamid ahaayeen Hogaanka Arimaha Dibada JWXO mudane Axmedyaasiin iyo Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal Mudane Xassan Macalim iyo waliba Afhayeenka JWXO mudane Cadaani Hirmooge ayaa madaxdii shirka kasoo qayb gashay usharaxay barnaamijka JWXO iyo tubta ay shacabkooda ujeexeen.

Dhanka kale Raysalwasaare Abiye ayaa sheegay in ay isaga ka go’antahay hormarka iyo amaanka wadanka iyo sidii deegaankasta loogu ogolaan lahaa hormarkiisa iyo nabad kuwada noolaanshaha wadanka.

Gabagabadii Shirkii dhex maray madaxda Ururada mucaaradka ah iyo Raysalwasaare Abiye ayaa kusoo dhamaaday si dagan, waxaana lagu balamay in wanaaga laga wada shaqeeyo si horay loogu socdo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay