Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday iney si rasmi ah uga tallaabsatay heshiiskii xakameynta gantaallada riddada dhexe ee Nuclear-ka, kaasoo la hirgaliyay xilligii dagaalki qaboobaa ee dunida.

Tallaabada Ruushka ayaa daba socota go’aan uu Jumcihii Mareykanku qaaday isla markaana uga baxay heshiiskaas xakameynta hubka wax gumaada. Xukuumadda Washington ayaa go’aankeeda u sababeysay eedeyn ay Moscow ugu jeedisay iney xushmeyn wayday heshiiskaas.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in waddankiisu uu dib u billaabayo sameynta gantaallo cusub oo xambaara nuclear. Heshiiska xakameynta hubka halista ah oo ay Mareykanka iyo midowgii Soviet ee USSR kala saxiixdeen sannadkii 1987-kii ayaa labada waddan ka mamnuucayay iney isticmaalaan gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe ee xambaara qumbuladaha nuclear-ka.

Aroornimadii hore ee Sabtida ayuu xog hayaha guud ee isbahaysiga Nato, Jens Stoltenberg u sheegay saxaafa-da in go’aankooda la isku wada ogyahay. Hase ahaatee mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iska fogeeyay eedeymahaas ku saabsan ku xad gudubka xakameynta hubka Nuclear-ka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay