Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Jarar ayaa maanta oo Axad ah Shir balaadhan kuqabtay Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar.

Waftigan oo uu hogaaminayo Mudane Sheekh Cabdulaahi Ciraaqi ayaa siwayn ula hadlay dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Gunagado, kuwaas oo meel fagaare ah isugu soobaxay.

Halgame Sh Cabdulaahi Ciraaqi iyo waftigiisa ayaa shacabka magaalada Gunagado kudhaqan usheegay in ay kashaqeeyaan Midnimada iyo isku duubnida taas oo ah waxa kaliya ee guul lagu gaadhi karo.

Sidoo kale Odayaasha iyo Aqoonyahanka kudhaqan Dagmada Gunagado ayaa sheegay in ay siwayn ugu diirsadeen isbadalka wadanka kadhacay iyo imaatinka JWXO ee barakaysan.

Gabagabadii kulankii madaxda JWXO iyo shacabka Gunagado ayaa kudhamaaday si guul ah.

ONA Ogadenia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay