Wararka nagasoo wadanka Itoobiya gaar Gobolka Amxarada yaa sheegaya in Magaalada Gondar maalin nimadii shalay ahayd lagu gubay Maasaajid iyo guryo ay dad muslimiin ahi lahaayeen sidoo kalana dhaawac loogu gaystay imaamyadii masaajida iyo Dadkii Muslimiinta ahaa Ee halkaas kusugnaa.

Ciidamada Amaanka Maamulka Amxarada ayaan waxba kaqaban weerarka loogaystay dadka muslimiinta ah iyo goobaha cibaadada.

Waxaana la  sheegayaa inay saaka bananbax sameeyeen dadka muslimiinta ah ee kudhaqan Magalada Gonder iyo nawaaxigeeda waxayna dalbadeen in Cadaalada lahor keeno dadkii falkan foosha xun kadanbeeyay.

Dagaalada udhaxeeya Qomiyadaha kala duwan ee Itoobiya ku hoos nool ayaa sanadihii udanbeeyay soo xoogaysan hayay Waxaana muuqda in dagaal kale oo diimo kusaab san ka bilowday meela kamid ah Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay