Inaa Lilaahu Wa’inaa Ileehu Raajicuun.

Gudiga Fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo isku duuban waxay Tacsi tiiraanyo leh udirayaan dhamaan shacabka Soomaalida Ogadenia oo uu ka geeriyooday Halgame Abwaan Cabdullaahi Xirsi Ibraahim (Baarleex).

Abwaan Cabdullaahi Xirsi Ibraahim (Baarleex) ayaa dhawaan kugeeriyooday dalka India, kadib xanuun uu in badan la’il xumaa oo halkaas loogeeyay.

Halgame Abwaan Cabdullaahi Xirsi Ibraahim (Baarleex), ayaa kamid ahaa dadkii af iyo adinba ugu hiiliyay shacabka Soomaalida Ogadenia ee mudada dheer ku dulaysnaa geeska Africa, wuxuuna Abwaanku kamid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa Jabhadii Gobonimo Doonka Soomaali Galbeed (WSLF), sidoo kale wuxuu Abwaanku kamid ahaa dadkii taageeray halgankii kadambeeyay ee lagu xoraynayay ciida Ogadenia.

Abwaan Baarleex ayaa Gobolka Qoraxay ee wadanka Ogadenia kudhashay qiyaastii 1953 dii wuxuuna cimrigiisa intii badnayd kuqaatay halgan, isagoo mudo badana wadanka ka haajiray.

Allaha unaxariisto Halgame Abwaan Cabdullaahi Xirsi Ibraahim (Baarleex), ehelkii, qayskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia na samir iyo iimaan Allaha kasiiyo Aamiin Aamiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay