Dhawr dal oo ka tirsan dalalka Laatin Amerika iyo dalka Canada ayaa ugu baaqay militariga dalka Venezuela inay taageeraan hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó dalkaasi.

Dalalkan ayaa ku baaqay in la baddalo hoggaanka dowladda iyadoo aanan wax awood ah la adeegsaneyn, sidoo kalena gargaar la gaarsiyo shacabka dalkaasi. Guaidó ayaa isugu ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee Venezuela, waxaana aqoonsaday dalal badan oo uu kamid yahay Mareykanka.

Madaxweyne Maduro wuxuu isagana sheegay inuu yahay madaxweynaha sida sharciga ah loo soo doortay. Maduro oo ay taageeraan dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka digay mar sii horreysay in qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalkiisa inay isku baddali doonaan dagaallo sokeeye.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay