Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir heersare ah.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen ururada mucaaradka ah ee Itoobiya kadiiwaan gashan iyo Xisbiga Social Democratic ee wadanka Sweden ayaa lagu gorfeeyay fursadaha maanta Itoobiya kajira iyo sidii looga faa’iidaysan karo.

Sidoo kale madaxda Xisbiyada ayaa aad uqaadaa dhigay sidii Caqabadaha jira looga gudbi lahaa si loogaadho higsiga wanaagsan, waxaana talooyin wax ku ool ah soojeediyay madaxda Xisbiga Social Democratic ee wadanka Sweden.

Masuuliyiinta Xisbiga Social Democratic ee wadanka Sweden ayaa sidoo kale madaxda asxaabta kale lawadaagay khibrada ay leeyihiin maadaama oo Xisbi mudo dheer Soo jiray ay yihiin, waxaana siwayn uga faa’iidaystay asxaabtii kale.

Gabagabadii kulankan oo ahaa mud muhiim ah ayaa kusoo dhamaaday is afgarad, waxaana madaxda Xisbiga Social Democratic si gaar ah ula kulmay madaxda JWXO ee kulanka kaqayb gashay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay