Jaaliyada Ogadeniya ee nayrobi oo qabatay shir ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee jahliyadu ka koobantahay wuxuuna si habsami leh uga dhacay maanta Magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas kenya.

Shirkan ayaa looga hadlay marxadalada maanta uu marayo halgankii xornimodoonka ahaa ee ogaadeeniya iyo xaaladaha ku hareeraysan.

waxaa khudbada dhaadheer kasoo jeediyay shirkaas masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday qaybaha bulshada iyakoo si waafi ah uga warbixiyay marxalada la marayo, khataraha ku hareeraysan Halgankii Ogadenia, Jihada laqaatay & kaalinta kaga aadan jahliyada Nairobi.

Dhanka kale qaar ka mid ah wax garadkii shirka ka qayb galay ayaa Tibaaxay gal-daloolooyinka halganka, iyagoo ifiyay khataraha uu wajahayo halganku islamarkaasna si wayn uga digay sidii looga tabaabushaysan lahaa sbadalka ku yimid geedi socodkii halgana iyo Guumaysigii Ethiopia.

Shirka kaadirkii ka hadlay ayaa waxay carabka ku adkeeyeen inay hiil & hooba lagarab taaganyihiin halganka ogaadeniya ee lagu xaqiijinayo Xoriyadii Dalka Hooyo.

Shirkan ayaa gaba gabadii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in taageerada halganka lasii laban laabo.

ONA/Nirobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay