Waxaa saaka oo Arbaco ah subixii hore magaalada Addis Ababa ka furmay Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan Asxaabta mucaaradka ah, kuwaas oo dood dheer kadib Isla qaatay habka ugu fiican ee Dowlada Federaalka iyo Ururada mucaaradku ay uwada shaqayn karaan.

Madaxda Asxaabta mucaaradka ah ayaa kadooday habraaca cusub ee ururada mucaaradka ay kuwada shaqayn doonaan dowlada, waxaana la isla gartay sida ugu haboon ee la iskula jaanqaadi karo.

Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa kaqayb galay kulamadan oo xidhiidh ahaa waxayna door balaadhan oo firfircoon kaqaateen doodaha iyo qorshayaasha ay Asxaabtu sooban dhigayeen.

Madaxda Asxaabta ayaa doonaya in ay wax wayn kabadalaan habkii ay ushaqayn jireen ama loola dhaqmi jiray Asxaabtii hore, waxayna dowlada ka haystaan balan qaad ah in labadalo dhaqankii hore ee qalafsanaa.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay