Ururka OYSU faraciisa magaalada Qabridahare ayaa maanta kulan aad ubalaadhan kuqabtay magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan oo ahaa mid aad muhiim u ah waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha Unugta OYSU ee magaalada Qabridahare, iyo waliba xubnaha Unugta JWXO ee magaalada Qabridahare.

Sidoo kale waxaa shirka lagu Marti qaaday maamulka xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay iyo waliba xafiiska Jabhada ee Dagmada Qabridahare.

Aayado qur’aan ah iyo Wacdi diini ah kadib waxaa khudbado dhaadheer dadkii shirka kasoo qayb galay usoo jeediyay Gudiga Unugta OYSU ee magaalada Qabridahare, waxayna gudigu sooban dhigeen warbixin dal iyo dibad ah.

Sidoo kale Gudiga xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay ayaa kalmad mug iyo miisaan leh ujeediyay xubnihii OYSU ee kulanka sooxaadiray, waxayna gudigu si wayn ula dardaarmeen xubnihii shirka isugu yimid.

Dhinaca kale xubnihii Unugta OYSU ee magaalada Qabridahare ayaa su’aalo waydiiyay madaxdii shirka kasoo qayb gashay, kuwaas oo iyaguna si Dagan ugu jawaabay.

Gabagabadii kulankii Unugta OYSU ee magaalada Qabridahare ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah waxaana xubnaha wajiyadooda kamuuqday farxad aad ubadan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay