Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay in uu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International.

Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaadhida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo  lagu eedeeyay in dalkaasi ay ka geysteen dambiyo dagaal. Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka. Talaadadii, sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay inay baadhayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale.

Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay