Waxaa hada magaalada Jigjiga Dhalinta OYSU uga furmay siminaar ay dhalinta siinayso hay’ad caalimi ah oo uu fadhigeedu yahay wadanka Ingiriiska.

Siminaarkan looqabtay Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU qaybtiisa Ogadenia, ayaa socon doona mudo 2 bari ah waxaana siminaarkan ka faa’iidaysanaya dhalinyaro aad ubadan.

Siminaarkan ayay ujeedadiisu ahayd is waraysi iyo sidii dhalintu ay uga qayb qaadan lahaayeen isbadalka kuyimid guud ahaan wadanka iyo Deegaanka Somali State.

Sidoo kale dhalinta ayaa lagu booriyay in ay door muhiim ah kaqaataan isku dhacyada qabiilada iyo guud ahaan xasiloonida wadanka, iyo waliba sidii loo heli lahaa jiil nadiif ah.

Ururka OYSU Fariciisa Ogadenia oo siminaarkan ka faa’iidaysanaya ayaa Marti qaaday dhalinyaro badan oo kasoo kala jeeda 11ka Gobol ee Ogadenia.

Siminaarkan iyo siduu kusoo dhamaado kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay