Waxaa hada magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan Kasocota xaflad aad ubalaadhan oo lagu soodhawaynayo Ciidanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo dhawaan Soo gaadhay magaalada Jigjiga.

Ciidanka qalabka sida ee JWXO ayaa dhawaan lagu heshiiyay in ay qayb kanoqdaan ciidamada Amaanka ee wadanka Ogadenia oo ahaa wadankii ay kumanaan Naftood Hurayaal dhiigooda uhureen.

Xaflada ayaa hada si quruxbadan uga socota gudaha Madaxtooyada waxaana kasoo qayb galay Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Iyo waliba madaxda Dowlada Somali State.

Waxaa goordhaw bilaabanaya khudbadihii madaxda waxaana hada socda kaalmihii suugaan halgameedka.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay