Waxaa hada socota qaybihii Dhexe ee Xafladii lagu soodhawaynayay ciidanka JWXO Iyo guud ahaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waxaa khudbad qiimo badan soojeediyay Madaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Muxumed Cumar, wuxuuna madaxwaynuhu siwayn usoo dhaweeyay go’aanka Geesinimada leh ee Jabhada ONLF ay qaadatay kaas oo ah in sinabad shacabka Soomaalida Ogadenia xornimadooda lagu gaadhsiiyo.

Sidoo kale waxaa khudbad taariikhi ah Madasha kasoo jeediyay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxayna dadwaynuhu Gudoomiyaha kusoo dhaweeyeen sacab Iyo sawaxan.

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegay in hadii uu hirgaliwaayo heshiiskii ay JWXO Iyo Itoobiya uu halgankii shacabku siisocondoono qorigana laqaadi doono.

Waxaa wali Soo socda khudbado ay jeedin doonaan madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Isha kuhay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay