Waxaa maanta Magaalada Addis Ababa kulan muhiim ah kuyeeshay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyda Soomaaliya.

Madaxda JWXO ee la kulmay madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa hogaaminayay Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadeey).

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu qaadaa dhigay marxalada guud ee gayiga Geeska Afrika iyo isbadalada xowliga ku socda ee mandaqada ka jira.

Sidoo kale madaxda labada dhinac waa Ogadenya iyo Soomaaliya ayaa ka wadahadlay sidii shacabka Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku dhaqan ay uga faa’iidaysan lahaayeen marxaladan dahabiga ah, isla markaana loo kobcin lahaa walaalnimadii bulshada Soomaaliyeed, oo ah dad wax kasta wadaaga oo aan kala maarmin.

Madaxda labada dhinac ayaa isku afgartay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadgaliyada iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo fududayn lahaa isu socodka shacabka walaalaha ah ee aan kala maarmin, iyadoo laga faa’iidaysanayo isbedallada cusub ee ka hana-qaaday gobolka Geeska Afrika.

Madaxda JWXO Iyo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa si isku mid ah u garwaaqsay dhibatadii shacabka walaalaha ah la kala dhex dhigay, iyagoo isla gartay in waayo-aragnimo wayn laga qaato wixii dhacay, isla markaana laga shaqeeyo sidii loo sixi lahaa.

Madaxwaynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Hogaaminta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO uga mahad celiyay halganka dheer ee ay ugu jiraan xaqiijinta himilada shacabkooda iyo doorka muuqda ee ay ku leeyihiin nabadaynta gobolka Geeska Afrika. Labada dhinac waxay ku ballameen inay sii xoojiyaan xidhiidhka u dhexeeya, kulamadooduna ay joogto noqdaan.

ONA/Ogadenia.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay