Waxaa magaalada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar kaqabsoomay Shirkii caadiga ahaa ee Unugta JWXO ee magaalada Dhagaxduur

Shirkan oo ahaa kii caadiga ahaa ee Unugta waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha Unugta JWXO ee magaalada Dhagaxbuur Iyo waliba qaar kamid ah taageerayaasha halganka xaqa ah ee JWXO ay hormuudka utahay.

Sidoo kale waxaa kulanka kasoo qayb galay qaar kamid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, kuwaas oo baryahan howlo abaabul ujoogay Gobolka Jarar.

Kulanka ayaa sidii caadiga ahayd lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah, waxaana xubnaha laxasuusiyay cabsida Allaah, Subxaanahu Watacaalaa.

Intaas kadib Gudiga Unugta JWXO ee magaalada Dhagaxbuur ayaa warbixino muhiim ah siiyay xubnihii kulanka sooxaadiray, waxayna xubnuhu ka haqab beeleen xogo badan oo ay tabayeen.

Sidoo kale Madaxdii JWXO ee shirka kasoo qayb gashay ayaa xubnaha u iftiimiyay marxalada cusub ee halganku uu galay iyo sida ladoonayo in looga gudbo.

Sidoo kale Kaarirkii iyo xubnihii kulanka kasoo qayb galay ayaa fikirkooda saliimka ah laga dhagaystay.

ONA/Ogadenia.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay