Waxaa sinabad ah kusoo dhamaaday Shirkii caadiga ahaa ee Faraca Midnimo ee kahowl gala xerada qoxootiga Dhagaxlay ee Deegaanka Dhadhaab.

Kulankan oo ahaa kii caadiga ahaa ee Faraca ayaa qabsoomay galabta oo Axad ahayd, waxaana kasoo qayb galay inta badan xubnaha Faraca Midnimo ee kahowl gala xerada Dhagaxlay.

Kulanka ayaa sidii caadiga ahayd lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah, waxaana xubnaha lagu booriyay cabsida Allaah iyo isu hogaansanka oo ah shay muhiim ah.

Shirkan oo ahaa Shir Abaabul iyo is xogwaraysi ah ayaa si fiican looga dooday ajandayaashii shirka, oo ay soo bandhigeen Gudiga faracu.

Sidoo kale xubnaha ayaa aad uga dooday sidii loo hormarin lahaa halganka xaqa ah ee JWXO ay hormuudka utahay iyo sidii loola jaanqaadi lahaa marxalada cusub ee halganku uu galay.

Gabagabadii waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday kulankii xubnaha Faraca Midnimo, waxaana wajiyada xubnaha kamuuqday farxad iyo dhiiranaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay