Maamulka jaaliyada Somalida Ogadenia ee gobalka Edmonton- Canada ayaa maanta shirkii caadiga ahaa isoogu yimid Xafiiska jaaliyada Ogadenia ,shirkan ooy ka soo qabgaleen inta badan xubnaha jaaliyada ayaa waxaa lagu dhageystay war bixino ay soo  kala jeediyeen Maamulka jaaliyada,Xidhiidhiyaha  Canada JWXO Halgame  Abdi Raage  iyo PHD.Mahamoud Ugaas.
War bixintan  ayaa waxay ku qotontay Siyaasada geeska Africa iyo sidii shacabka Somalida Ogadenia ula jaan qaaday iyo qaabkii loo siiwadi lahaa.


Warbixin kadib waxaa halkaas su’aalo lagu waydiiyay masuuliyiinta shirka ka soo qaybgalay ku waasi oo ku saabsanaa howlgalada ka socda Ogadenia,waxayna masuuliyiintu uga jawaabeen si waafi ah ,sifiicanna ugu qanceen xubnihii shirka ka soo qayb galay.

ugu danbeyn shirkan oo  saacado qaaday waxaa lagu soo gunaanaday sidii looga  fa’iideysan lahaa siyaasada xawaaraha dheer ku socota  ee ka taagan geeska  africa guud ahaan gaar ahaan Ogadenia iyo Ethiopia.

ONA.

Canada-Edmonton.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay