Adel al-Jubeir, Wasiirul Dowlaha Arrimaha Dibada ee Sacuudiga ayaa sheegay in Sacuudiga uusan ogolaan doonin baadhitaanka uu wado guddiga ka socda Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo maalmihii lasoo dhaafay baadhitaano ka waday dalka Turkiga.

Guddigan oo lagu wado inay warbixintooda Golaha Amaanka horgeeyaan bisha June ee sanadkan, ayaa xaqiijiyey in dilkii suxufi Jamal Khashoggi ee 2dii bishii Oktober ka dhacay qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbul ay ahayd fal fool xun oo ay geysteen saraakiisha Sacuudiga, guddiga ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay sidoo kale caqabado badan hordhigtay baaritaankii ay wadeen booliiska Turkiga.

Sirdoonka dalka Maraykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in amarka lagu dilay Khashoggi uu ka yimid Qasriga looga taliyo Boqortooyada Sacuudiga, waxaana la rumeysan yahay in uu amarkaasi bixiyey Dhaxalsugaha dalkaasi ee Maxamed Bin Salman.

Adel al-Jubeir oo isagu horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada xiligii uu dilkaasi dhacay ayaa ku dooday in dowlada Sacuudiga aysan waxna ka ogeyn dilkaasi oo ay geysteen koox askar ah oo ku xad-gudbay awoodooda siduu sheegay Maxamed Bin Salmaan amarkaasi ma bixin.

Dhinaca kale Adel al-Jubeir oo la hadlayey barnaamijka telefishinka Maraykanka ee (Face the Nation) Axadii shalay ayaa ku dooday in aan loo baahneyn baaritaanka Qaramada Midoobay.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay