waxaa kulan muhiima isuggu yimaaday Masuuliyiinta bariga Afrika ee Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) iyo Xoghayaha guud ee JWXO mudane Abdirahmaan Sheekh Mahdi Maadeey, kulankan oo ahaa mid is xog waraysi ah ayaa wuxuu xoghayaha guud ee JWXO uga war bixiyay xaalada guud ee dalkii hooyo iyo qorshayaasha Jabhada ONLF ka wado wadankii ee isugu jira abaabulka iyo wacyi galinta.

Xubnaha kasoo qayb galay shirka ayaa waxay su’aalo waydiiyeen xoghayaha guud ee JWXO waxaana si waafi ah uga jawaab celiyay su aalihii la waydiiyay dhamaan xoghayaha JWXO.

Xoghayaha guud ee JWXO Abdirahmaan sheekh Mahdi maadeey ayaa safar ku joogi doon wadanka Kenya mudo cayiman wuxuun kulama la qaadan doonaa, dawlada kenya, haayadaha Caalamiga ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo kaalinta halganka ee shacabka soomaalida Ogaadeniya ay ku lee yihiin.

ONA/Nirobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay