Wafti balaadhan oo kasocda Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Qoraxay ayaa gaadhay Dagmada Dhoobawayn ee Gobolka Qoraxay.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay Mudane Cabdirisaaq Xassan Biixi ayaa siwayn loogu soodhaweeyay Dagmada Haarcad, halkaas oo dadwayne aad utiro badan ay kasoo qayb galeen soodhawaynta waftiga JWXO ee Gobolka Qoraxay.

Mudane Cabdirisaaq Xassan Biixi iyo waftigiisa ayaa dadkii shacabka ahaa ee soodhawayntooda kasoo qayb galay kula hadlay meel fagaare ah, waxayna ugudbiyeen fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal taas oo ah waxa kaliya ee hormar lagu gaadhi karo.

Sidoo kale waftiga JWXO ee Gobolka Qoraxay ayaa shacabka kudhaqan Dagmada Dhoobawayn usheegay in ay iska iloobaan xurgufaha hoose ee iyaga udhaxeeya Isla markaana ay umidoobaan sidii loogaadhi lahaa xoriyad iyo hormarka shacabka Soomaalida Ogadenia.

Dhinaca kale odayaasha iyo waxgaradka Dagmada ayaa sheegay in ay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo ah kuwii usoo halgamay shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Waftiga JWXO ee Gobolka Qoraxay ayaa gaadhi doona Dagmada Higloolay oo kamid ah Dagmooyinka Gobolka Qoraxay, iyagoo gaadhsiin doona fariintii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay